Somerville Medical Centre

69 Gorsey Lane, Wallasey, Merseyside, CH44 4AA

Telephone: 0151 638 9333

cmicb-wi.gatekeeperN85024@nhs.net

Sorry, we're closed

Somali

ADEEGA CAAFIMAADKA QARANKA
THE NATIONAL HEALTH SERVICE
Xaashidani waxa ay sharxaysaa sida ay u shaqayso Hay’adda Adeega
Caafimaadka Qaranka ee UK.
Adeega Caafimaadka Qaranka wuxuu bixiyaa daryeelka caafimaad ee UK waxaana
laga maalgeliyaa canshuuraha. Dadaka magangelyo doonka ah waxay xaq u leeyihiin
in ay helaan daryeel caafimaad oo ay ka helaan NHS ka, kaas oo ah kharash la’aan
inta dalabkooda magangelyo doonka ama racfaanka dacwaddoda ay meel u dhacayso.
Waxaad u baahantahay foomka HC2, kaas oo ay bixiso Ha’yadda Qaran ee bixisa
Taageerada Adeega magangelyo doonka (National Asylum Support Service)
(NASS), ama laga heli karaa farmashiyaasha, si aad u hesho daawo lacag la’aan ah,
daaweynta ilkaha, baaritanka indhaha iyo muraayadaha indhaha.
Dadka u shaqeeya Hay’adda caafimaadka (NHS) oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirta,
kalkaaliyaasha caafimaadka iyo turjubaanada uma gudbin doonaan wax allaale iyo
wixii macluumaad ah ee adiga kuugu saabsan qof kale ama hay’ad kale
ogolaanshahaaga la’aantiis. Dhammaan daryeelka caafimaadka waa mid qarsoodi ah
mana ku yeelan doono wax saameyn ah go’aan ka gaarista dalabkaaga nabadgelyo
doonka ah.
Sidee baan u heli karaa kaalmo caafimaad?
Haddii aad jirantahay, ama aad ka welwel santahay cafimaadkaaga ama qof ka mid
ah qoyskaaga, waa in aad u tagtaa dhakhtarka xaafadaada oo lagu magacaabo
Dhakhtarka Guud ama Dhakhtarka Qoyska (General Practioner) (GP). Bukaan socod
eegtada Dhakhtarka Guud waxaa lagu magacaabaa Surgery ama Xarun Caafimaad.
Waa in aad iska diiwaan geliso Dhakhtarka Qoyska sida oogu dhaqasaha badan
markaa ka dib waxaad heli karaysaa daryeel caafimaad haddii aad u baahato. Si aad
isu diiwaangaliso waxaad u baahan doontaa in aad dhiibto magacaaga, taariikhda
dhalashada, cinwaanka meesha aad degentahay iyo lambarka telefoonka haddii aad
leedahay mid. Hawlwadeenka adiga ku taageero oo kaa caawiyay u guurida
deegaankaaga aad degentahay ayaa garanaya sida loo samaynayo
diiwaangelinta.dhakhtarka xaafadda.
GP-yada qaar ka mid ah ayaa weydiiya dhammaan bukaanadda cusub in ay maraan
baaritaan caafimaad. Caadi ahaan baaritaankani waxaa sameeya kalkaaliyaha
caafimaad. Waa muhiim in aad tagtid ballantani xataa haddii aad caafimaad qabtid.
Hadddii aysan xarunta GP ku diiwangelin, waxaad weydiisan kartaa Daryeelka
Caafimaadka Aasaasiga ee Xaafadaada in ay kugu qoraan GP.
Sidee baan u sameystaa ballan?
Markii aad booqoto dhakhtarkaaga ama mid ka mid ah kalkaaliyaasha oo aad ku
booqoto xarunta caafimaadka badannaaba waxaad u baahantahay in aad sameysato
ballan oo aad adiga goobta tagto ama aad isticmaasho telefoon. Waxaad weydiisan
kartaa in aad aragto dhakhtar dumar ah ama rag ah iyo sidoo kale kalkaaliye, inkasto
tani laga yaabaa in aysan mar walba suura gal ahayn.
Waxaa laga yaabaa in aad sugto dhowr maalmood ballamaha aan deg degga ahayn.
Haddii aad u malaynayso in aad u baahantahay in aad aragto dhakhtar si deg deg ah u
sheeg soo dhaweynta (receptionist) goorta aad ballanta samaysanayso, waana lagu
arki doonaa maalinkaas haddii ay ku haboontahay. Haddii dhakhtarku uu u maleeyo
inaad aad u liidato oo aadan iman karin surgery-ga , dhakhtarka ama dhakhtarda ayaa
laga yaabaa in ay guriga kuugu soo booqdaan.
Weydii hawlwadeenka ku taageera (your support worker) haddii aad u baahantahay in
lagaaa caawiyo samaynta arrinkani.
Mudadda uu dhakhtarka ku arkayo waxay noqon doontaa shan ilaa toban
daqiiqadood. Waxaad u baahantahay in aad qof kasta oo qoyska ka mid ah oo
doonayo in uu arko dhakhtarka aad u samaysid ballan u gaar ah.
Fadlan xaqiiji in aad ballantaada ku timaado waqtigeeda iyo haddii aadan iman karin
ballantaada fadlan ku dadaal in aad nasakhid ama burisid.
Waa sidee haddii aanan luqadda Ingiriiska ku hadlin?
Haddii aad u baahantahay tarjume waa in aad u sheegtaa soo dhaweynta markii aad
samaysaneyso ballanta. U sheeg shaqaalaha luqadda aad ku hadasho waxayna kuu
ballaminayaan tarjume ama waxay kuu helayaan khadka telefoonka oo lagaaga
tarjumo. Waa arrin darruuri ah in adiga iyo dhakhtarkuba aad isfahamtaan midba
midka kale sidaasi darteed ayaa dhakhtarku ama dhakharada ay u samayn karaan
oganshiyo sax ah oo aan khalad ku jiran nooca cudurka ku haya ee aad la
dhibtooneysid. Caadi ahaan ma ahan arrin haboon in ilmo yar ama qof qaraabo ah uu
kuu tarjumo adiga.
Yaa kale oo la shaqeeya Dhakhtarkayga Qoyska (my GP)?
• Kalkaaliyaasha (Nurses) UK waa kuwo heer sar u tababaran. Waxay qabtaan
baahiyo fara badan oo caafimaadka ku saabsan oo ay ka mid yihiin tallaalada,
tallo siinta ka hor0taga uur qqadidda, xannuunadda aadka u daran sida kaadi
macaanka iyo in ay ku tallo siin karaan guud ahaan caafimaadka.
• Umuliso (Midwife) waxa ay xannaaneeyaan dumarka uurka leh iyo
ilmahooda dhasha. Daryeelka la siiyo hooyada uurka leh dhalashada ilmaha ka
hor waxaa loogu yeeraa ‘ante-natal’ iyo dhalashada ka dibna waxaa loogu
yeeraa ‘post-natal’.
• Health Visitors waa kalkaaliyaal ku takhasusay xannaanaynta curruurta iyo
qoysaskooda iyo in ay dadka ku caawiyaan in ay ahaadaan kuwa caafimaad
qaba.Waxaa laga yaabaa in ay kuu yimaadaan oo ay gurigaaga kuugu soo
booqdaan.
Waa sidee haddii aan u baahdo in aan arko dhakhtar takhasus leh (specialist
doctor)?
Dhakhtark qoyskaaga (GP) ayaa caadi ahaan bixiya inta badan daryeelka
caafimaadkaaga isaga ayaana go’aanka qaadanaya haddii aad u baahato in aad aragto
dhakhtar takhasus leh (consultant), ama haddii aad u baahato in aad isbitaalka tagto.
Qof walba oo UK ku nool waa in uu sugaa si uu u arko dhakhaatiirta takhasuska leh.
Isbitalka ayaa kuu soo qori doona warqad ay ku faahfaasan tahay ballantu. Waa in aad
la xirriirtaa isbitaalka haddii aad u baahantahay turjubaan in uu xaadir ku ahaado
ballantaada. Weydii hawlwadeenka taageeraha kuu ah (your support worker) haddii
aad u baahan tahay in lagaa caawiyo arinkan.
Ballamaha cusbitalka ayaa mararka qaar noqda kuwa ka durugsan xooggaa meesha
aad ku nooshahay, inkastoo aad heli karto in lagaa caawiyo qarashka safarka haddii
aad leedahay HC2.
Buuga keydinta xaaladda caafimaad ee bukaanka (Patient Held Records)
Haddii lagu siiyay buuga bukaanka eel eh midabka buluuga ah
(blue book), fadlan soo qaado mar walba oo aad ballan la leedahay dhakhtarka ama
kalkaaliyaha. Macluumaadka ku qoran buugan waxaa weeye mid u dhaxeeye adiga
iyo shaqaalaha NHS ka. Qof kale oo xaq u leh in uu akhriyo buuganna ma jirro.
Yaa kale oo I caawimi kara?
Daawooyinka
Haddii dhakhtarkaagu uu doonayo in aad dawooyin qaadato isaga/iyada ayaa kuu qori
doona dawada. Ula tag farmashiyaha warqada dawada ku qorantahay . Si aad u hesho
dawada, waxaad u baahantahay foomka HC2. Farmashiistaha tallo ayuu kaa siin
karaa daweynta xannunada yar yare ee caafimaadka la xirriira. Daawooyinka qaar
waxaad ka iibsan kartaa farmashiiyaha prescription la’aan, iyo kuwa ay ka mid yihiin
xannuun joojiyaha (pain killers) iyo dawooyinka qufaca.
Daryeelka Ilkaha
Haddi aad dhibaato ka qabto ilkaha waa in aad arakto dhakhtarka ilkaha. Si aad u
hesho daaweynta ilkaha ee NHS ku uu bixiyo waxaad u iska diiwaan gelisid
dhakhtarka ilkaha. Haddii ay mushkiladi kaa haysato iska diiwaan gelinta dhakhtarka
ilkaha waxaad u baahnaan doontaa in aad la xirriirto Hay’adda Daryeelka
Caafimaadka Aasaasiga ee xaafadaada (Local Primary Care Trust) (eeg hoosta).
Araga/Awooda Araga
Haddii aad u baahantahay baaritaan indhahaaga ah ama aad u baahanatahay
murraayadaha indhaha oo cusub (spectacles) ballan sameyso si aad u arakto indha
baarah ahna kan kuu sameynaya murraayada indhaha. Waxay dukaamo ku leeyihiin
badannaaba bartamaha magaalooyinka. Foomka HC2 wuxuu daboolaa kharashka
baaritaanka indhaha iyo qaar ookiyaalayaasha ka mid ah: weydii indha baaraha
waxyaabaha arrinkan ku saaabsan.
Goorma ayuu GP surgry-gu xiranyahay?
GP surgeries guud ahaan waxaa la furaa 0830 ilaa 1830 Isniin ilaa Jimco. Waqtiyada
kale oo dhan – habeenkii, Sabtiga ama Axada iyo maalmaha fasax – gargaar
caafimaad ayaa la heli karaa dhibaha caafimaad ee aanan lala sugi karin ilaa GP laga
fuaryo.
Si aad u hesho caawimid waxaad wici kartaa xafiiska bixiya adeega saacadaha aan la
shaqeyn oo lambarka telefoonkooda hoos ku qoranyahay, waxayna tallo kuugu
siinayaan khadka telefoonka. Waxaa laga yaabaa in lagu weydiiyo in aad booqato GP
surgery, ama laga yaabaa in gurigaaga uu kuugu soo booqdo qof xirfad u leh
caafimaadka.
Waxaad kaloo telefoon u dir kataa khadka tooska ah ee NHS lambarka 0845 46 47
oo ah tallo siin caafimaad ama Taageerada Caafimaad goorta uu surgery-ga uu
xiranayahay. Wuxuuna telefoonkani in badan aad uga jabanyahy kharashkiisu midka
landline-ka, tusaale ahaan dukaamada telefoonka laga dirsado, mobile-kana waa uu ka
jabanyahay.
Haddii aadan ku hadlin afka Ingiriisiga, NHS Direct iyo adeega watiyada shaqada ka
baxsan waxa ay bixin karaan adeeg tarjumid. Waxa aad u baahantahay oo dhan in aad
sameyso waxa weeye in aad af Ingiriisi ku tidhaahdo luqadda aad door bidayso in aad
u isticmaasho bilowga horaba wicitaanka telefoonkaaga. Haddii aadan ku hadlin
waxna af Ingiriisiga weydii saaxiib, ama qaraabo ama caawiye si ay kuugu wacaan
telefoonka sugna ilaa tarjumaha uu leenka soo galo ka hor inta aadan dhibahaaga u
sharxin.
Si aad ula xirriirto NHS Direct oo loogu tala galay tallo-bixinta caafimaadka, wac:
0845 46 47
Si aad adeega ka baxsan waqtiga shaqada ee degmada, oo loogu tala galay
gargaarka caafimaad marka uu GP surgery-ga xiranyahay, wac:
Maxaa la sameynayaa xaaladaha deg dega gudahooda
Xaaladda deg dega marka lagu jirro, haddii adiga ama qof adiga kula jira uu aad u
xannuunsado aadan sugi Karin ilaa GP surgery-ga laga furayo, waxaad wici kartaa
999 (waa bilaash) oo ambulance-ka ah, ama waxaad aadi kartaa Qeybta Shilalk &
Xaaladaha deg dega ee isbitalka xaafadaada (Accident & Emergency Department
of your local hospital). Si kasta ha ahaatee, Adeega kan waxaa weeye xaaladaha deg
dega oo kaliya (this service is only for emergencies). Ha u isticmaalin Qeybtan
Shilalka & Xaaladaha deg dega waxyaabaha fudud ee caafimaadka la xirriira.
Xirriir GP oo faahfaahsan ama kooxda caafimaadka nabadgelyo
doonka ee degmada.

Opening Times

  • Monday
    08:00am to 06:30pm
  • Tuesday
    08:00am to 06:30pm
  • Wednesday
    08:00am to 06:30pm
  • Thursday
    08:00am to 06:30pm
  • Friday
    08:00am to 06:30pm
  • Saturday
    CLOSED
  • Sunday
    CLOSED
NHS A-Z Conditions
Find Local Services
Live Well